Madaxweyne ku xigeenka D/Puntland oo Maanta Dhagax- Dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.

Facebooktwittergoogle_plus

camay-wado



dhagayso mp3
dhagayso mp3



Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.
Munaasabadda dhagax dhigga buundada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Hay’adda Waddooyinka Puntland ee Nesha, saraakiil ka socota Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe.
Buundadan uu dhagax dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxaa  bar-bar  socdey Dayactir lagu samaynayo labo meelood oo  kamid ah  waddada laamiga ah oo mid kamid ahi ay gaareyso 660mitir halka midda kale ay gaareyso 180mitir  gaar ahaan inta u dhexaysa Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo uu soo gaadhey burbur aad u daran, kaas  oo gaarey in waddadii laamiga ahayd ay kasoo hadho hal seed ama hal haad oo keliya, isla markaaana sababay shilal kala duwan.



Facebooktwittergoogle_plus