Cabdiqaadir Sh.Faarax Ereg oo ah Taliyahii Gaas Garabka ku keenay oo maanta bilaabay shaqo

Facebooktwittergoogle_plus

erik01


(RQ Garowe) Sareeyo guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax Ereg ayaa maanta si kumeel gaar ah ula wareegay xilka taliyaha ciidanka booliska Puntland, kadib markii Gaas uu xilkii ka qaaday markuu la dagaalamay gaas walaalkii.



Kusimaha taliyaha oo maanta ka hadlayay xaflad uu xilkaan kula wareegayay ayuu ka codsaday laamaha booliska iyo wasaaradda anniga Dowladda Puntland inay la shaqeeyaan maadaama uu qaaday waajibaad culus.

“Shaqada booliska ee aanu bulshada u hayno waa shaqo tabarucaad ah , haddii aynaan si xun u isticmaalin,” ayuu yiri taliye Ereg, oo intaas ku daray inuu wax badan qabandoono haddii garab lagusiiyo shaqadiisa.

Sareeyo guuto Ereg ayaa u mahad celiyay taliyihii hore ee ciidaka booliska Puntland Ee Xaqdarada looga qaaday isagoo ku tilmaamaan Laan-Gaab General C/Risaaq Afgaduud, isagoo sheegay inay taariikhda qoridoonto waxyaabihii uu u qabtay ciidanka booliska Puntland.





Facebooktwittergoogle_plus