ODAYAASHA DHAQANKA BEEL WEYNTA CALI SALEEBAAN OO DHAX-DHAXAADIN KA WADA BOSASO DASHIISHE IYO ISMAACIIL SALEEBAAN

Facebooktwittergoogle_plus

 

MAGAALADA BOOSAASO WAXAA ILAA MAANTAY KA SOCDAY WAAN WAAN NABAD-DOONIMO OO AY WADEEN BEELWEYNTA CALI SALEEBAAN OO UU HOGAAMINAYO CAAQILKII GUUD EE BEESHA ISMAACIIL CALI IYO GUDOOMIYAHA GOBOLKA BARI GUDOOMIYE Gobalka Bari Dr, Yuusuf Maxamed Wacays Dhado.

CAAQILKA GUUD EE BEESHA ISMAACIIL CALI CAAQIL MAXAMUUD SH.CIID AYAA WAXAA UU LA KULMAY LABADA DHINAC OO HADA LA WAREEGAY DHAX-DHAXAADINTA LABADA BEELOOD EE WALAALA AH WAXAA ARINTAA SOO DHAWEEYAY BEESHA DASHIISHE IYO ISMAACIIL SALEEBAAN .

DADKII LAGU DILAYNA WAA LA AASAY BEESHA DASHIISHE WAA AY KA XUMAATAY DHALINYARADII DUULAANKA QAADAY WAXAYNA BALAN QAADEEN IN AY KEENAYAAN DHALINYARADAAS DHIBKA GAYSTAY WAXAYNA CODSADEEN IN ARINTAN LA ISUGU YIMAADO , CAAQILKA MAXAMUUD IYO GUDOOMIYE DHADO WAA AY SOO DHAWEEYEEN RAYIGA BEESHA DASHIISHE ,BALSE WAXAYNA U SHEEGEEN IN CAAQILKA GUUD UU LA XIRIIRAY ISIMO IYO NABADOONO KU KALA SUGAN MUDUG,NUGAAL, SOOL,CAYN OO HADA WADAD KU SOO JIRA .

Facebooktwittergoogle_plus