Beesha Cali Saleebaan oo Gogol Dhigay Carmo iyo Dashiishe iyo Ismacil Saleebaan oo aqbalay

Facebooktwittergoogle_plus

Odayaashii Dishiiahe iyo Cali Saleebaan oo Xalay ilaa Saaka ku shireen tuulada Jiingadda oo ku dhow Meeshii Wax ka dhaceen shalay Nabdoonadii Beesha Dashiishe Waxay Codsadeen oo ku adkeeyeen in Beesha Cali Saleebaan Gogosha dhiga Carmo waan ogolaannay Odayaashii Cali Saleebaan.

Dhinaca kale Waxaa Gaaray Tuuladii Dhibka ka dhacay Odayaashii Beesha Cali Saleebaan Waxayna u Geeyeen Beesjha Ismacil Saleebaan Ari iyo Hilib, Raashin Badan iyo Biyo iyo Caano. Odayaasha Ismaaciil Saleebaan markii loo sheegay Gogasha Carmo ayagana Ogalaaday .  

Caaqilkii iyo Gudoomiye Dhado Waxaay ku wareejiyeen Hawsha Gurmadka iyo dhex dhexaadinta Odayaasha kala ah iyo In Gogasha la dhigo Carmo :
1. Nabaddoon Shuxle Yaasiin
2. Nabaddoon Saciid Xuseen Cali
3. Nabaddoon Faarax Maxud Axmed Kuwait.
4. Nabaddoon Maxamud Axmed Rooble (Aw-Koombe)
5. Nabaddoon Cusmaan Said Omar  (Cusmaan sax)
6. Waraabe Xaaji Cabdullahi
7. Nabaddoon Jaallejaalle
8. Nabaddoon salad Qaybdiid
iyo ganacsato aad u faro badan

Facebooktwittergoogle_plus