Nabad Maxaa Lagu Bedeshaa Nidaam iyo kala damayn yar ma looga guuri karaa kala damayn la´aan

Facebooktwittergoogle_plus

Nabad Maxaa Lagu Bedeshaa Nidaam iyo kala damayn yar ma looga guuri karaa kala damayn la´aan ?

Jawaabta waxad ka heleysaa dhamaadka sheekada
10.7.2017 waxan safar gaban kusoo garay casumada 3aad ee wadanka Moçambique (Nampula)
waa xili barqo ah 9:00Am

waxan soo galay meherad cunto magaceedu waa farmaajo waxa loogu magacdaray madaxweynaha somalia madaama la furay 8 February .2017

waxan u imi inaan ka quraacdo anigoon dhinacna eegin waxan u gudbay qaybta dalabaadka si aan ugu sheego nooca quraacda aan u baahanahay intaa kadib waxan damcay inaan fariista qaybta banaanka oo kuraas badani taal sidoo kale waxa laga dawadaa tv yada ku hadla afkeena hooyo.

waxa ii muuqday oo indhahaygu qabteen wàa sxbkay oo aanan magaciisa sheegayn waxa uu cunayaa quraac waa ka soo kacay si deg deg ah ana waxan boob siiyay talaabada salaan iyo is marxabayn waxan fariisanay meel gaar ah si aan ugu sheekaysano maadaama aan isku aragnay si lama filaan ah.

sxbkay maalintii iigu damaysay oo ahayd sanad ka hor waxa uu iisheegay inuu aadayo wadankii hooyo dib dame aanu ugu soo noqon doonin #africa madaama uu joogay inka badan (10) to’ baneeyo sano waxa uu qorshaystay inta noloshiisa uga dhiman inuu la qaato waalidkii oo haatan wayeel ah una baahan xanaanayn

1. Su aashi kowaad

sxb maxaa kusoo ceshay gorma ayaad soolaabatay
jwbti iyo nuxurka sheekada waxan tegay wadankii hooyo anoo aad u faraxsan caasimada #muqdisho waxa iiga muuqday horumar dhinaca bilicda iyo ganacsiga amniga markaan eegay dadku waxey dareemayan xasilooni waxa iga shay kalsooni iyo yididiilo rajadi aan qabay markaan waxan leeyahay waa rumoobi dontaaa ayaamo ka dib waxan u gudbay .

Gobolka_Shabeelada_Hoose marko cadeey
halkaa waxa ku nool hooyo iyo walaalo qaraabadi oo dhan farxad iyo rayn rayn wuxuu ku aroostay magaalada isaga oo ku jira asbuuci 1aad ee arooskiisa xili habeenimo ah waxa gurigisa ugu yimi oday deriska ah waxa uu u sheegay caawa in ay shir la leeyihiin ciidamada #amison ee u joga nabad ilaalinta somalia qaybta marka madaama uu yahay nin fahmaayna luqada ay ku hadlayan shirku waxa uu ku saab sanaa dadka degaanka iyo ciidmaadu iney wada shaqeeyan si aminiga loosugo
intaa ka dib maxaa dhacay sidiii caadada u ahayd waxa uu ku tukaday masaajid ka salaadii subax wiil yar oo aan markaa u muuqan inuu qaan gaaray ayaa ku soo dhowaaday si kalsooni ku jirto ayuu afka u saaray dhegta waxa uu u sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda argagixisada #alshabab
waxad si deg deg ah ku timadaa meel hebla waana ka sii tegay
tolow marunbaa mase waa riyo shaah ma cabtaa mase waa iska deysaa ma dar daarantaa mase kelyaa iska dontaa oo waa adaa goobta lagaa wacay (lagaaga yeeray) walaac iyo wel wel badan kadib
taladii iyo go aankii waxa uu kusoo uruuriyay ina uu aado wixi rabbi qoray waxan ahayn sugi maayo ayuu nafta hoos ugu sheegay wax yar ka dib waxa uu sogaray goobti lagu amray inuu yimaado waa #guri kuyaala xaafad kamida magaalada ma jirto wax uu kaga duwan yahay guryaha dadka degaanka
kama muuqato astaan dawladed kama muuqata mid urur uma eke xafiis ama guri puplic ah oo loogu adeego shacab waxa yaalo kuraas u eg kuwa lagu isticmaalo school lada dan yarta waa goobtii ay kubeenoomi lahayd rajo badan iyo farxad uu dalkisa u qabay
waxa kusugan wiilal dhalin yaro ah oo aad uduruufaysan waa aradan yihiin muqaal ahaan in ay miga ka yimaadeen ayaad moodeysaa xogaa kibir ah baa ku jira cabsi badan ma qabaan garan maayo lkn iyagu wey garanayaaan marko waa meeshi aan ku dhashay ku barbaaray kuna guursaday waalid iyo walaalo dhaman wexey jogaan magaalada si degan waxa loogu sheegay magaciisa oo afaran iyo kan hooyadii xaaskisa
tarikh nololeedkiisa oo kaban ,baa loo akhriyay iyadoo aad umalayso inuu isagu gacantiia ku qoray waayo isma lahayn cidkale ayaa sidaa utaqaan, waxa lagu yiri
xalay waxaa ku dhacday dambi weyn waxad ka ridawday diinta islamka waxad macood noqotay gaalada aan ku jahaadeyno hadii magaaladan qoraxdu kuugu dhacdo qoorta ayan kaa jaraynaaa waxan kuu samaynay asxaan weli uma samayn qof aan adi ahayn axan u holaday inaan hadlo waase la iga diiday
waxan usoo dhaqaaqay dhanka gurigaygi dadki ehelka ahaa oo u ku jiro walakay iga weyn waxan u shegay waxa dhacay iyo meel wax marayan hoos ayaa loo xamdiyay madaama aan noqday qofkii ugu horeeyay oo halkaa looga yeero kana soo noqday isagoo nool maxaa ila gudboon talo fara waa ka baxday boorsadayda ayaan dhegta qabsaday walalkay waxa uu ku orday istanka si aan gaariga kowaad u raaco
safarkii marka aan kasoo bilaabay waxan ku Imi.

#nampula_mocambique
#dhamaad

#talo_soojeedin
hadii aan maanta buuraleyda gobolka barri laga saarin daacish (ISIS)
waxa jiri doonta maalin laga hayaami doono iyadoo aan la aqoon cadawga laga baqaayo meel u ka yimi
taladu mar ayay kula gudboon tahay si wada jira ha loola diriro cadawga soo duulay

W/Q osman said abdisalam (jeen)

Facebooktwittergoogle_plus