DAAWO SAWIRRO: Gurmadkii Turkiga oo yimid, Dhaawacyada oo la duubalayo & RW Kheyre oo Kalkaaliye noqday

Facebooktwittergoogle_plus

Gurmadkii deg deg ahaa ee uu soo diray Madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayib Ordagan ayaa so gaaray Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho waxaana la daad-gureeyey dhaawacyadii halista ahaa oo dhan.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir Thaabit Maxamed Cabdi oo aan nasan tan iyo markii ay musiibadan dhacday ayaa Kalkaaliyayaal caafimad isku bedelay.

Mr, Kheyre ayaa dhaawacyada saarayey diyaaraddaha waa weyn ee ay soo dirtay dawladda Jamhuuriyada Turkiga, waxaana muuqata gargaarka walaalnimo ee ay  soo dadajisay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale khadka telfoonka saaka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga oo uga mahad-celiyey taageerada hagar la’aaneed.

Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga ayaa si deg deg ah ku yimid Muqdisho, waxaa la socday in ka badan 40 Dhakhtar oo cudurada qaliimada ah iyo 100 Kalkaaliyayaal caafimaad oo hawada sare ku daweynaya bukaanada.

 

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments