Wararkii ugu waa weynaa ee ku saabsan Gurmadka Deg deg ah ee ka socda Soomaaliya

Facebooktwittergoogle_plus

– Madaxweynuhu wuxuu tagay Garoonka si uu ugu mahadceliyo walaalaheen reer Turkiet ka dibna wuxuu fariistay xarunta wadaaga ee GURMAD-QARAN.

– Raisal wasaaruhu isaga oo gacmo-gashi xiran ayuu daabulay dhaawacyada dibada loo qaadayo wuxuuna gudoomay deeqo kala duwan oo dibada yimid.

– Gudoomiyaha Baarlamanku wuxuu shir deg deg ah iskugu yeeray guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka waxayna go,aamiyeen in lacag dhan hal MILYAN oo dollar laga jaro miisaaniyada dowlada si loogu deeqo dadkii wax yeeladu soo gaartay

– Gudoomiyaha Aqalka Sare wuxuu booqday Madina Hospital wuxuuna ku dhawaaqay Midnimo iyo is walaaleeysi

– Ciidamada Xoogga dalka maalintii Labaad ayay biyo iyo cunto qeybin ka wadaan isbitaalada kala duwan iyo isgoysyada Caasimada

– Ciidanka sida gaarka ah u tabo-baran ee DANAB waxa ay baaris iyo nadiifin ka wadaan goobtii shilku ka dhacay iyaga oo hadda ku guuleystay in ay qof nool ka soo saaran burburka hoostiisa.

– Gudoomiyaha Gobolka Banaadir maalinkii seddexaad ayuu u muuqdaa inuu yahay shaqsi xilkiisa ka soo dhalaalay marka laga cabiro jawaabta ficilka ah ee uu bixiyay.

– Dhalinyaro damiir iyo dadnimo leh oo iskood isku xilqaantay waxa fadhiyaan xarunta GURMAD-QARAN ee saldhigoodu yahay warshadii Hargaha iyo Saamaha, si ay u xariiriyaan gurmadyada nuucyada kala duwan ah ee socda.

– Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari wuxuu marna booqanayaa isbitaalada ay dhaawacyadu ku jiraan marna wuxuu fadhiyaa xarunta GURMAD-QARAN.

– Ururada Dhalinyarada ee Gaalkacyo waxa ay u fadhiyaan shirar aan kala hakad laheyn waxa ayna aruuriyeen kaalmo dhaqaale.

– Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha waxa ay xarunya hargaha iyo saamaha ka hirgalisay Studio ku xiran Radio Muqdisho waxa kali ah oo Radio Muqdisho ka daaranina waa Quraanka Kariimka ah.

– Dhalinyaro cunto diyaarsan iyo cabitaano ku wada baco ayaa wareegaya Isbitaalada

– Madaxtooyada Somaliland waxaa looga dhawaaqay baroordiiq iyo harab istaaga musiibadii dhacday

– Madaxtooyada Puntland oo sidoo kale ku dhawaaqday Baroordiiq iyo Garab istaag Qaranka Soomaalieed

– PARIS: Daarta dheer ee ay caanka ku tahay magaalada Paris ee Efiffel Tour ayaa caawa la damin doonaa si ay shucuubta reer France inoo dareensiiyaan in ay xanuunka nala qeybsanayaan

– Mayor-ka magaalada Toronto wuxuu ku dhawaaqay in the Toronto Sign dhamaanteed waxaa caawa loo badali doonaa Calanka Jamhuuriyada Somalia.

Facebooktwittergoogle_plus