DEG DEG+AKHRISO: Dawladda Qadar oo ku dhawaaqday cidda ka dambeysa Qaraxyadii Muqdisho & Colaadin lagu hayo Somalia

Facebooktwittergoogle_plus

Dawladda Qadar ayaa daaha ka rogtay in lagu hayo dhibaato weyn oo ay ku hayaan dawladdaha gobalka iyo waxay ugu yereen kuwa ka soo horjeeda go’aankii ay ka qaadatay khilaafka ka taagan wadamada Khaliijka, waxayna sheegtay in go`aankeeda awgiis ay u martay ciqaabo badan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.

Wasiirka oo wareysi dhinacyo badan siiyay Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay dalka Qatar ayuu ku sheegay Soomaaliya in ay ka aargoosanayaan dowladaha Qatar go’doomiyay sababo ku aaddan in ay ka biyo diidday in ay taageeraan siyaasadooda.

Al-Thani ayaa sheegay in dowladahaasi ay wada laalleen kaalmooyinkii aaddannimo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya, isagoo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida la wada laaluushay, waxaase uu qiray in dawladda Faderaalku ay ku sii adkeysanayso go’aankeeda oo ahaa mid sharaf u soo jiiday.

Labo cisho ka hor Muqdisho waxaa ruxay qaraxyo waa weyn, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 320 qof oo ay ku jiraan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ilaa hadda aan la cadeyn cidda ka dambeysa iyadoo aysan Al- Shabaab sheegan masuuliyada weerarkan.

Hadalka Doha ka soo yeeray ayaa dhib weyn ku ah Xulufada Sacuudi Careebiya ay Hadalka Doha ka soo yeeray ayaa dhib weyn ku ah Xulufada Sacuudi Careebiya ay hogaamiso, waxaana welwelka ugu badan ahdda ka taagan yahay warkan oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaya xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Facebooktwittergoogle_plus