XOG: Arrimaha la qariyey ee Qaraxa Zoobe, Jahawareerka Carbeed iyo Fudeydka dawladda F Somalia?

Facebooktwittergoogle_plus

Maalintii sabtida ee Taariikhdu ku asteysneyd 14 Oct, waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Ka dhacay Qarax balaaran, oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee abid ka dhaca magaalada muqdisho iyo Guud ahaan dalka.

Qaraxan ayaa ahaa mid galaaftay Nolasha Dad gaaraya 281 Ruux, inta ay xaqiijisay Dowladda Federaalka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana Weli magaalada Muqdisho ka socda Gurmad Qaran oo lagu Samata bixinayo Dad weli la aaminsan yahay in ay ku Jiraan Dhismayaasha ku Bur-buray Qaraxaas Culus, iyadoona Qeybaha kale ee dalkana ay ka socdaan Qaban qaabada Gurmad balaaran oo la gaarsiiyo Dadkaas.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Saacado ka dib Markii uu Dhacay qaruxu Ku Dhawaaqay, 3 Maalmood oo ah Baroor-diiq Qaran, iyo in Calanka Dalka Hoos loo dhigo, sidoo kale madaxweynaha ayaa Baaq u diray Dowladdaha caalamka isagoona ka codsaday In Lala soo gaaro Dadkii ku wexyeeloobay qaraxaas Gurmad Deg Deg Ah.

CAMBAAREYNTII CAALAMKA.

Qaar ka mid ah Dalalka Caalamka Iyo Ururada Ka Jira Dunida ayaa Si Isku Mid ah uga hadlay Qaraxaas, iyagoona tacsi u diray Ehelada Dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Qarixii Zoobe, Dowladda Iyo Shacabka soomaaliyeed, iyagoona Falkaasi ku tilmaamay mid Argagixiso, waxaana ay Sheegeen in ay Cambaareynayaan Falkaas Waxuushnimada ah ee lagu laayay ku dhawaad 300 Ruux laguna dhaawac tirro intaasi ka badan.

Dalalka Mareykanka, UK, Frencha, Turkiga, Qatar, Sacuudiga, Urdun, DJabuuti, Kenya, Ugandha, Canada, Kuuriyada Koonfureed Iyo Kuwa kale ayaa Sheegay in ay Cambaareynayaan Qaraxaasi oo ay Sheegeen in uu yahay Mid ay ka Dambeeyaan kooxaha Argagixisada Ah ee ka howl Gala Soomaaliya.

GURMADKII CAALAMKA.

Dalalka Turkiga, Djabuuti, Mareykanka, Qatar Iyo Kenya ayaa Magaalada Muqdisho u soo diray Diyaarado sida Gurmad Isigu jira, Daawooyin, Qalab Caafimaad Iyo Dhakaatiir, si ay Uga Qeyb qaataan Gurmadka lagu samatabixinayo Dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Qarixii baaxada Weynaa ee Lagu Gumaaday Shacabkii Soomaaliyeed la Daalaa Dhacayay Nolol maalmeedkooda.

Sidoo kale Dalalka Turkiga, Qatar iyo Kenya ayaa Magaalada Muqdisho ka Qaaday Qaar ka mid ah dhaawacyadii aadka u liitay ee ka dhashaya Qaraxaas.

JAHWAREERINTA SHACABKA SOOMAALIYEED EE QATAR.

Dowladda Qatar iyo Warbaahinteeda ayaa u muuqda mid sii Xoojinaya Dhibaatada ka Dhalatay Qarixii arxan Darada aya Ee Lala Beegsaday Sabtidii Shacabkii soomaaliyeed ee Ku Sugnaa Isgoyska Zoobe, iyadoona u muuqata in ay dooneyso in ay jahwareeriso Shacabka soomaaliyeed ee weli ku jira Tacsida iyo Tiiraanyada Musiibadii ka Dhalatay Qarixii Zoobe.

Tv-ga Afka Dheer ee Al-Jazeera ayaa Bartiisa Twitter-ka ku Daabacay In Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay iska Fogeysay in ay ka dambeeysay Qarixii Lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, Al-Jazeera ayaa Gadaal dhigtay Qoraalkaasi, Su,aal aheyd Hadaba YAA KA DAMBEEYAY ?

Saacado ka dib markii Ay Al-JAZEERA Daabacday Qoraalkaasi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda DOXA, ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu ku eedeeyey Xulufada Sacuudi Careebiya hogaaminayso in ay ka dambeysay weerarkii lagu dilay Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo aan hadalka u oran si ka fiirsi ah ayaa sheegay in Soomaaliya lagu colaadinayo go’aankii ay qaateen ee kusaabsanaa xaaladda Khaliijka, wuxuu sheegay in la laalay wax kasta oo gargaar ah oo lasiinayey Soomaaliya markii ay xiisadda dhexdhexaad ka noqdeen.

Hadalkaas ayaa oo ah mid aan inaba caadi ku aheyn arrimaha diblumaasiyadda iyo ka hadalka waqtigan, ayaa u muuqday mid Xukuumadda DOXA ay ku dooneyso in ay ku Majaro Habaabiso, kuna Jahwareeriso Shacabka Soomaaliyeed oo weli ku Mashquulsan Samatabixinta Dadkii Ku Aafoobay Qaraxaasi, iyo in ay siyaasad u adeegsato Dhacdadaas xanuunka badan.

 SHEEGASHO LA,AAN MASUULIYADA QARAX.

Iyadoo muddo Saddex Maalmood ah laga soo wareegay Xiligii uu Dhacay Qarixii Isgoyska Zoobe, ayaysan jirin ilaa haatan Cid Sheegatay Masuuliyada Qaraxan.

Kooxda Argagixisada Ah Ee Al-Shabaab oo sida caadada aheyd Lagu Bartay Sheegasahada Qaraxyada Lagu Gumaado Dadka U Badan Shacabka ayaan weli ka Hadlin Qaraxan iyo in ay Iyagu ka Dambeeyeen.

Waloow TV-ga Al-Jazeera Uu Sheegay in kooxda Al-Shabaab aysan ka Dambeyn Qaraxaas, Hadana Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku saabsan Qaraxaas, iyo iney ka dambeeyeen iyo in kale.

Dhanka Kale, Masuuliyiinta Iyo Madaxda ugu sareysa Dalka, ayaa Saacado ka Dib Qaraxanba Sheegay in ay ka Dambeeysa al-Shabaab, oo sida Caadada aheyd looga bartay in ay soo Maleegto qaraxyada Lagu Beegsado Goobaha ay ku Sugan yihiin Dadka Shacabka ah, Balse ay Wehliyaan Dhowr qof oo Xil ka haya Dalka ama Horey uga Soo Qabtay.

XOGO AY HESHAY RADIOQANDALA.

Warsidaha RadioQandala ayaa helay Xogo Muhiim ah oo ku Saabsan Qaraxaasi, iyadoona Saraakiil ka Tirsan Hay’addaha Amniga noo Sheegeen in ay Jirto Jahwareer la Xiriiri Qaabka la yaabka badan Ee Hay’addaha Amniga Qaranku uga Hortagi waayeen Qaraxa Baaxadaasi intaa la eg tahay, oo la aaminsan yahay in Xogihiisa horey loo hayay.

Ilo Xog ogool ah, ayaa sidoo kale RadioQandala u Sheegay in intii uusan qarxin Gaarigani uu soo maray Goobo Badan iyo Wadooyin ay Yaaleen Kaantaroolo lagu Baarayay Baabuurta Isticmaaleysay Wadooyinka Waa Weyn Ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale ilahaan ayaa Warsidaha Puntlandtimes, u Sheegay in Gaarigaan Lagu Istaajiyay Qaar ka mid ah Baraha Kantaroolada, iyagoona ay is garteen Ciidamada Celiyay Qaar ka mid ah Darawelkii Wadey, uuna u Sheegay in Ganacsade caan ah uu u wado alaabta Saarneyd Gaariga.

RadioQandala ayaa Fahansan in ay adag tahay in Gaari noocaas oo kale ah, uu soo qaado Wado weyn oo ku taala Magaalada Muqdisho, iyadoo la og yahay in inta badan Wadooyinka Waa weyn ee magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamada Loogu Magacdaray Xasilinta Caasimada, sidoo kalana ay xiran yihiin Jidadka yar yar ee ku dhaca wadooyinka Waa weyn.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa RadioQandala u sheegay in Baaritaanka Qaraxani uu saameyn Balaaran ku Yeelan Doono Masuuliyiin ka tirsan Dowladda, Ganacsato Iyo Dowladdaha Shisheeye ee Gacanta Kula Jira Arrimaha Soomaaliya, Iyadoona Baaritaanka Qaraxani ay ka qeyb qaadan doonaan Barayaal Caalami ah.

Facebooktwittergoogle_plus