BAAQ KA SOO BAXAY ISIMADA G/BARI OO LOOGA SOO HOR JEEDO HANTIDA DALKA IN LA IIBSADO

Facebooktwittergoogle_plus

RIIX 7 GUJI  >> BAYAANKII OO PDF AH PRINT

Bayaan

Ku:-Madaxweynaha Dowlada federalka ee Soomaaliya
OG:-Raysulwasara Dowlada federalka ee Soomaaliya
OG:-Wasiirka Dekadaha Dowlada federalka ee Soomaaliya
OG:-Wakiilka qaramada midoobay u fadhiya somalia
OG:-Safaaradaha u fadhiya somaliya. EU. USA. ITALIA .UK. DENMARKl
OG:-Dowlada Puntland
OG:-P&O Port (Dworld)31/10/2017BayaanUJEEDO: Dacwad ka dhan ah heshiiska dowlada Puntland ay la gashay shirkada P&O Port (DP world)Ka dib markii ay shirrar badan yeesheen beelaha degan gobolkan barri Degmada Bosaso oo ku saabsan heshiiska Dekeda Bosaso ay la gashay Dowlada Puntland shirkada P&O Port (DP world) markay si dhab ah u qiimeeyeen heshiiskaan waxaana u soo baxay Beelahaan,

1 . in heshiiska ay dowladda Puntland la gashay shirkada P&O Port (DP world) aanu ku fadhiyin sifo shaci ah . Maadaama aan ilaa hada laga hayn heshiiskii ay sida qarsoodiga ah u wadagaleen.1.Markaan aragnay taariikhda iyo sumcad xumada shirkada P&O Port (DP world) ay ku lee dahay mandaqada iyo siday u maamushay dekedaha. Suqadara,Mukala,,Cadan, Jabuti. IWM.

2.Markaan aragnay maalgashiga ay sheegeen inay ku maalgelinayaan dekeda uu yahay mid aan u qalmin 450m ay sheegeen, lacagta la sheegay oo ah 336 malyan oo dollar waxay dhisi kartaa Deked caalami ah oo ka wayn inta ay sheegeen sida ay noo xaqiijiyeen khuburo caalami ah.

3.markaan aragnay in P&O Port (DP world) ay dayactirayso Dekada Bosaso oo Dawlada Talyaanigu ugu deeqay shacabkaSoomaaliaya 1988 oo aysan dhisayn Deked cusub .

4.Markaan aragnay in mudada ay haysanayso ay tahay 30 sano taas oo ku badan shacabka Soomaaliya.

5.Markay sheegeen in 100 nm oo dhankastaka ah Dekeda Bosaso laga hirgelin Karin wax mashaariic horumarineed ah. Taas ooka hor imanaysa sharciyaga caalamiga ah iyo madaxbanaanida soomaaliya.

6.Markii ay soo baxday khilaaf dhexmaray dadweynaha iyo xukuumada Puntland kas oo keeni kara xasilooni daro iyo khalkhal amni .

7.Markaan aragnay laaluushka lagu bixinaayo si uu u hirgalo heshiiskaan ay muujinayso inuu yahay heshiis sharci daro ah .

8.Markii ay shirkada P&O Port (DP world) la wareegtey Dekeda waxay soo saartay khidmado siyaado ah oo aysan qaadi Karinshacabku taas oo keentay inay dekadii xiran tahay ilaa 7 casho9.In dowlada cumaan oo ah suuqa ugu weynoo ay dekeda bosaso ku xiran tahay uu sheegay inuu ka fiirsanaayo ganacsiga maadaama dekadii u gacan gashay shirkado kale.Go’aamada:-Cuqaasha,waxgaradka Culuma udiinka Ganacsatada , iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan waxay go,aan ku gaareen

1.In aan sinnaba loo ogolaan heshiiskaan maxaa yeelay wuxuu si cad uga soo horjeedaa danaha dhaqaale ee umadda soomaaliyeed

2.In sida ugu dhaqsaha badan mas uuliyiintaP&O Port (DP world) maamulka dekeda faralaha ugala baxaan dekeduna ku so laabato sideedii hore.

3.In dowlada federalku aanay u fududayn hogaanka Puntland una xalaalayn heshiiska sharcidarada ah ee maamulka puntland la soo saxiixdeen shikada P&O Port (DP world).Gunaanad:-Cuqaasha,waxgaradka Culuma udiinka Ganacsatada , iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan waxay hoos ka xariiqayaan inaaney ka soo horjeedin Mashaariicda Horumarineed ee aan Dadka iyo Dalka Dib u dhac ku keeneyn.Waxaana Makhraati u ah sidii loo soo dhoweeyay Mashaariicda ay ka mid ahaayeen Bosaso Airport, GPLG, Guryihiifaraha badnaa ee loo dumiyay balarinta Dekada xiliyadi kala Duwanaa.Magacyada Guurtida iyo Wax Garadka Beelaha Gobolka Bari:

RIIX 7 GUJI  >> BAYAANKII OO PDF AH PRINT

Bayaan

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments