Kismaayo oo Sirdoonka Puntland iyo Jubbaland oo soo qabtay Askarigii Boosaaso gabadh ku kufsaday

Facebooktwittergoogle_plus

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa wararka naga soo gaaraya sheegayaan in Sirdoonadda Puntland iyo Jubbaland  Jubbaland ay Gacanta ku soo  dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.Wasaaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhaawaca ugeystay gabadh dhalin yaro ah, oo ku sugnayd magaalada Boosaaso, xilli uu doonayay inuu kufsi u geysto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Maxamed Cali Faarax ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askarigaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasi oo uu u baxsaday kadib markii uu falkaan geystay.   “Ninkii gaystay isku dayga kufsiga kadibna gabadha xabada ku dhuftay waxaa lagu guulaystay in lagu qabto magaalada kismaayo, wasaaradda cadaalada Puntland oo kaashanaysa taliska madaxtooyada Puntland iyo sirdoonka Puntland iyo Jubaland laamahooda amniga ayaa ku guulaystay in danbiilaha gacanta lagu dhigo.” ayuu yidhi Maxamed Cali Faarax.

Facebooktwittergoogle_plus