DHAGAYSO : CABDULLAAHI HOOYADII – Cabdillahi oo la waayay ka dib qarixii Soobe

Facebooktwittergoogle_plus

CABDULLAAHI HOOYADII MP3

WAXAAN KA SOO XIGANAY

“Waxan inbadan ka raadinay cisbitaallada, jeelasha, ka dib markii aan intaas ka soo quustay, waxaan isku dayay in aan dadka baxaya u dirro sawirkiisa oo aan iraahdo ‘qof miyir daboolan oo aan lala socon oo sawirkaas ah ha la iiga soo raadiyo isbitaalada Turkiga iyo Sudan.”

“Waan iska samray, waayo haddaadan samrin waxad qaadi karto malahan, isagana waan u duceeyay, waxaan u sadaqeyn karay oo masaajidda ugu dari karayna waan ugu daray, ILAAHAY kitaabkiisa midigta ha ka siiyo, marti la jecelyahay ALLE ha ka dhigo, intaasna waa ducada hooyada,” ayey hadalkeeda ku dartay Hooyo Jamaad.

Korriimadii iyo waxbarashadii curudkeeda dhib badan ayay ka soo martay, sida ay sheegtay Jamaad. Markasta oo ay dib u gocatana, waxaa indhaheeda ku soo istaagayay ilmo, waxaana ku adkaata inay hadalka sii wado.

“Wuxuu dhashay xilli dalka uu aad u burbursanaa. Waxbarashadiisana waxaa ku bixiyay baati aan wareejiyo, mid ka yar wuu ii joogay asaga laakiin ma awoodin labadooda inaan waxbarasho geeyo,” ayey tiri.

“Iskoolkii ugu horeeyay ee aan geeyay wuxuu ka billaabay fasalka afaraad. 2013-kii ayuuna dhammeeyay dugsiga sare, ka dib ayuu billaabay jaamacad.”

Facebooktwittergoogle_plus