Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen.

Facebooktwittergoogle_plus

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah Degmada Xumbays  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:  Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:  Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Xumbays.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel  gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Xumbays.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Facebooktwittergoogle_plus