Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Bari oo Ka Hadlay Xirnaanshaha Dekeda Bosaso

Facebooktwittergoogle_plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf mp3

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay xukuumadda  iyo ganacsatada Puntland in wadahadal iyo isfaham ku dhameeyay dhibaatadda ka dhalatay xirnaanshaha dekeda Bosaso.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in looga baahan yahay Wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka badda inay isku xirto ganacsatada, shacabka iyo dowladda Puntland, islamarkaana ay sharaxaad ka bixiso isbedelka ku imaan kara dekeda oo hadda lagu wareejiyay shirkadda P&O port.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka hadlay Xaaladda amniga gobolka bari oo kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay falal amniga lidi ku ah ay ka wadeen iyagoo dilal iyo qaraxyo ka gaystay magaaladda Bosaso..

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ka hadlay Doorshadda barlamaanka iyo madaxtinimadda Puntland ee 2019ka, waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay in doorshada soo socota ayan waxba kaga duwanaan doonin doorashadii 2014ka, waxaana uu ku baaqay in xukuumadda, waxgaradka iyo shacabka Puntland ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu gaari lahaa doorashadaasi.

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments