BREAKING NEWS: Gollaha wasiiradda Puntland oo shir albaabada ulaaban yahay haatan uga socdo xarunta madaxtooyada

Facebooktwittergoogle_plus

Gollaha wasiiradda Puntland iyo madaxweyne Gaas sidoo kale Boqor Burhaan , ayaa haatan shir albaabada ulaaban yahay wuxuu uga socdaa xarunta madaxtooyada, iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin bahda saxafada oo sugaya natiijada kasoo baxa shirkaan.

Wararka uu warsidaha RadioQanala ka ogaaday shirkan waxay sheegayaan in looga hadlayo xaalada degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo maalintii labaad ay ku sugan yihiin maleyshiyaad katirsan maamulka Hargeysa.

Waxaa la filayaa inay dowladdu iclaamiso dagaal ay dhulkeeda kaga difaacanayso cadowga kagasoo duulay Hargeysa.

RadioQanala.com

Facebooktwittergoogle_plus