DHAGEYSO DOOD XIISO BADAN: 4tii Sano ee Cabdiwali Gaas

Facebooktwittergoogle_plus

Abshir Cali Qood iyo Eng. Saciid Uurcad oo Uk ku sugan, Cabdixaafid Cali Yuusuf oo Malmo Swedan degan iyo Barkhad Timir Yuusuf oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Chigaco.

DOOD KULUL MP3

Golaha Wakiilada Puntland ayaa 8-dii bisha Janaayo sanadkii 2014-kii waxa ay Madaxweyne u doorteen Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo markaasi horey u soo noqday Wasiir iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya.
Gaas ayaa xilka kala wareegay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo xiligaasi taageerayaal badan ku dhex lahaa Gudaha Puntland.

Hadaba 4 sano ayaa u haatan u buuxsantahay Mudada uu xilka hayo Cabdiwali Gaas oo 52 jir ah waxaana xilkiisa ugu haray mudo ku siman hal sano.
Dadka Reer Puntland ay ayaa ku kala aragti duwan wax-qabadkii 4 sano ee Cabdiwali Gaas.
Hadaba dooda aad u xiiso badan oo arintaasi lagu gorfeeyay ayaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa waxaana ka qeyb galayo akhiyaarta kala ah
Abshir Cali Qood iyo Eng. Saciid Uurcad oo Uk ku sugan, Cabdixaafid Cali Yuusuf oo Malmo Swedan degan iyo Barkhad Timir Yuusuf oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Chigaco.
Barnaamijkan waxaa soo jeedinaya anigoo Cabdiqani Cali Dalmar

Facebooktwittergoogle_plus