Daawo: Khasaare Ba’an oo ka dhashay dagaalkii Ceel-afwayn oo isagoo Socda Gabalku u dhacay iyo Waxa dhacay

Facebooktwittergoogle_plus

WARARKII UGU DANBEEYAY DHAGAYSO MP3

Iska hor imaad xoog badan ayaa magaalada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ku dhex maray Beelaha Sacad Yoonis (Habar yoonis) iyo Biciido (Habar Jeclo), Waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsaday Gaadiid,Tikniko iyo hub fudud, Wuxuuna sababay dhimasho iyo Dhaawac.

Sida la Xaqiijiyey dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana la tilmaamay in khasaare dhimasho ahi soo gaadhay labada dhinac, Waxaana dagaalku bilaabmay ka dib markii mid ka mid ah labada beelood ay dil u gaysteen nin ka soo jeeda beesha kale ee dagaalku hore u dhex maray, waxaanu warar hordhac ah ay sheegayaany in dad gaadhaya 10 Qof ay ka dhinteen labada dhinac ee dagaalamay, Halka Wararka Qaarna ay sheegayaan inay dhimashadu ka badan tahay 15-Ruux.

Waxaa sidoo kale la sheegay in labadan beelood uu dagaal ku dhex mari gaadhay gudaha magaalada Ceel-afweyn oo ay wada dagaan, balse ciidamada somaliland ayaa kala dhex galay ka dib markii ay rasaas isku rideen.

Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada wax ciidan ah oo kala dhex gala labadaas beelood u dirin deegaanka Darar wayne, iyada oo wararku sheegayaan in labada dhinacba uu gabalku ugu dhacay sidii ay u dagaalamayeen isla markaana hada ku hawlan yihiin inay isku ciidan iyo hub urursadaan.


HOOS KA DHAGAYSO SABABTA DAGAALKA KEENTAY

Facebooktwittergoogle_plus