Madaxweyne Gaas iyo golihiisa wasiiradda oo yeeshay shir culus oo looga tashanayay xaalada gobolka Sool

Facebooktwittergoogle_plus

Sarkaal katirsan madaxtooyada Puntland ayaa warsidaha Puntland u sheegay in shirkaan dowladdu ay ku gaartay go’aano culus oo looga tashanayay sida loo wajahayo xaalada gobolka Sool ka taagan, loogana jawaabayo duullaanka maamulka Hargeysa.

Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland looma gudbin go’aanada iyo macluumaadka kasoo baxay shirkaan, mana jirto wax warbaahin ah oo looga yeeray xarunta madaxtooyada.

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa la sheegay in loo xilsaaray inay warbaahinta ugudbiso go’aanada dowladda kasoo baxa ee ku saabsan xaalada haatan lagu jiro ee difaaca Puntland.

Facebooktwittergoogle_plus