Wasaaradda warfaafinta Puntland oo soo saartay qoraal ku socda saxaafada Puntland

Facebooktwittergoogle_plus

Warbaahinta RadioQandala oo aan lagu soo Casumin Waxaan Ka soo Xiganay Saaxiibada RadioQandala sida Puntlandi.com iyo kulin tinta kale oo helay warkaan .

Halkaa waxaa nooga cadaaday in ay jirto sabab balse waan ka war siugaynaa Dowladda Puntland Madaxdeedu waxa Warbaahinta RadioQandala loogu darin Warbaahinta Puntland.

Wasaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland ayaa kulan degdeg ah ugu yeertay bahda saxaafada Puntland oo uu ku jiro talefishinka ku hadla afka dowladda Puntland ee Puntlandtv.

Kulankaan oo ku taariikheysan 27 bishaan, oo ah maalinta sabtida, ayaa weriyayaasha loogu yeeray inay yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda warfaafinta ee kutaala magaalada Garowe, balse lama sheegin ujeedada u yeeritaan.

Warar uu helay warsidaha waxay sheegayaan in wasaaradda warfaafintu ay qabandoonto shir jaraa’id oo kaga hadlidoonto arrimaha gobolka Sool oo dowladdu ka aamusnayd waayahaan dambe tan iyo markii madaxweyne Gaas uu dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Hargeysa ee kusoo duullay dhulka Puntland.

Waxaa la filayaa in wasiirka warfaafinta Warbaahinta uu warbahinta u shaaciyo tilaabooyin iyo go’aano kasoo baxay shirar albaabada ulaabnaayeen oo ay gollaha wasiiradda iyo saraakiisha ciidanku ku yeeshaan xarunta madaxtooyada Puntland.

Halkaan ka akhriso nuqulka aan Ka soo Xiganay Saaxiibada Puntlandi.com oo helay warkaan

.

 

Halkaan aan Ka soo Xiganay waa Saaxiibada RadioQandala oo ah Puntlandi.com.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo soo saartay qoraal ku socda saxaafada Puntland.

 

Facebooktwittergoogle_plus