Akhri : Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Tukaraq ?

Facebooktwittergoogle_plus

Wararka laga helayo Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya In weerar Kooban saaka subaxnimaddii horre ee maanta halkaas ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Weerarkaan ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, Laakiin ka soo Jeeda deegaanadaasi, ayna la eegteen fariisimo ay degan yihiin ciidanka Somaliland oo sida la sheegay ka careysan daahniinka mudada ka qaatey Puntland diyaar garowga ay ugu jirto dagaal ka dhan ah Somaliland.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray Labada ciidan ee ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Xaaladda nawaaxiga deegaanka Tukaraq ayaa ah mid kacsan, waxaase suuragal ah in dagaalka dhacay mid kale oo daba socda inuu halkaasi ka dhaco, maadaama dhinacyada dagaalamay aysan kala fogeyn.

Muddooyinkii dambe waxaa socday waan waan kala duwan oo la xiriirta xaaladda deegaanka Tukaraq, inkastoo dagaalka saaka dhacay ay wax u dhimi karto waan waanta socotay.

Ciidanka Somaliland ayaa deegaankan tukaraq ka qabsaday ciidamada Puntland, kadib markii dagaalka halkaasi ka dhacay ciidamada Somaliland ay kula wareegeen deegaankan.

Dadka deegaanka ayaana Qaarkood bilaabay iney isaga fogaadaan Goobaha lagu dagaalamayo, Iyadoona Ay ka cabsi qabaan in Dagaal Culus Halkaasi ka Qarxo,

Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa Dhawaan ka Digay cawaaqib xumo ka dhalan karta Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland

Facebooktwittergoogle_plus