Maamul Xumida haysata Degmada Qandala iyo Shacabka Qandala oo ka Cabanaya Biyo La´aan, Caafimaad xumo, Waxbarasho la´aan.

Facebooktwittergoogle_plus

DHAGAYSO CABASHADA QANDALA MP3

Shacabka ku dhaqan degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ka cabanaya biyo la´aan ka jirta degmada iyo daryeel caafimaad oo aysan lahan degmada taas oo lagula tacaalo haweenka Xaamilada ah kuwaas oo loo sooqaado xilga ay dhalamdooda dhawdahay magaalada Bosaaso oo qiyaastii 70kmtir ujirta .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maamulka degmada uu ka gaabiyay wax kaqabashada shacabka degmada Qandala iyadoo Dhaqaalaha Puntland ay tahay isha labaad ee ugu dhaqaalaha badan Xafiiska Wasaarada Maaliyada Degmada Qandala ay ka baxdo dhaqaale lagu qiyaasay bishii 35 kun oo doolar xaga Badda doomaha Jilaabta ka soo xaroota  .

Dagmada waxaa olole nadaafadeed ka wada dhalinyaro iskood isku xilqamay Hadaba Wariye xasan Heykal ayaa qadka Telfoonka kuwaraystay Faarax Maxamed Xuseen oo kamid ah Waxgaradka deegaanka iyo Cabdilaahi Maxamuud yuusuf oo kamid aha dhalinyarada ololaha nadaafadeed kawada degmada.

Facebooktwittergoogle_plus