TALIYAHA QAYBTA G/BARI OO XIR GUDOOMIYAHA MAXKAMADA DARAJADA LABAAD G/BARI IYO TALIYAHII HORE DEGMADA QANDALA WALIBA JIRDILAY

Facebooktwittergoogle_plus

Dhagayso Xilka qaadistii hiore Cabdixakiin mp3

Taliyaha Qaybta G/Bari Col.Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo Xilkii ay ka Qaadeen Gudiga Maniga G/bari ayaa Howlgal ka wada Magaalada Boosaaso kadib Ragii Gudiga ahaa Rag ay isku beelo yahiin oo kale isagoo ku eedaynaya Xilka qaadis uu ku sameeyau iyagana diideen waxaa ka mid ahaa  Gudoomiyaha Maxkamada Derajada Labad ee Racfaanka G/Bari Mudane Daadshe Maxamed Saleebaan .

Maantay ayaa Xafiiskiisa Daadshe Maxamed Saleebaan Maxkamada ugu yimid Taliyaha Qaybta G/Bari Col.Cabdixakiin Yuusuf Xuseen uuna u sheegay in xilka uu ka qaaday kadibna Daadshe ayaa ugu jawaabay waryaa wax ma kuu sheegaa Xafiiska iiga bax adiga iyo wiilashaada markiiba waxaa lagu bilaabay jirdil asaga iyo 3 wiil oo ilaala u ahaa jirdilkii lagu waday ilaa uu ka miyir beelo kadiba waxaa uu ku xirtay xabsiga qaybta Gacan ku dhiiglayaash.

sidoo kale waxaa uu soo xiray shalay sarkaal horay uga ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Qandala oo uu cabdixakiin ku eedeeyay Taliye Maxamed Guri Gube in uu ka tirsanyahay AlShabaab ilaa hada lama yaqaan halka uu geeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Qandala Maxamed Guri Gube.

la soco wixii ka soo kordha warbaahinta RadioQandala

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments