DEG DEG : Taliyayaashii Nabadsugida, Booliska, Milatariga iyo Asluubta Oo Xilalkii Laga qaaday

Facebooktwittergoogle_plus

Shir aan Aan Caadi aheyn oo Muqdisho uga socda Golaha Wasiirada Soomaaliya islamarkaasina uu Shir Gudoominayo Madaxweyne Farmaajo Ayaa Xilalka Looga qaaday Qaar kamid ah masuuliyiinta Dowlada.

Waxaa Xilka Laga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyaha Nabadugisa kan Booliska Milatariga iyo Asluubta.

Taliyaha NISA, ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyadoona xilkaasi laga xayuubiyay Taliyihii hore ee NISA, General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi laga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa loo magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyadoo xilkaasina laga xayuubiyay General Maxamed Aadan Axmed (Buud).

Abaan Duulihii Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar oo xil ka qaadis lagu sameeyay, ayaa booskiisii loo soo magacaabay General C/laahi Cali Caanood.

General C/xakiin Daahir Saciid, ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ka dib markii xilkaasi laga qaaday Korneyl Bishaar Abshir Geedi.

Faah faahinta La soco Insha Allah

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments