KHARI : Baarlamaanka Somaliya Oo Cod u Qaadaya Mustaqbalka DP World

Facebooktwittergoogle_plus

Sida ku cad fariinta loo diro Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuna saabsan ajandaha xiligaasi laga hadlayo, waxaa maanta Xarunta Golaha shacabka kulan ku balansan Mudanayaasha Baarlamaanka si ay kaga arrinsadaan Arrimaha Berbera.

Dekedda ay ka fadhiisanayaan Xildhibaanada waxaa Saamiga kasoo baxo kala qeybsaday Maamulka Somaliland, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay.

Kulanka oo goor dhow furmay ayaa Guddoonka Baarlamaanka waxaa uu furay ajandaha kulankan, iyadoo loo gudbayo in Xildhibaanada is qoraan, kaddibna ay ka doodaan.

Xeerkan oo ka kooban qodobo dhowr ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada ay cod u qaadaan, iyadoo qodobada ay ka mid yihiin in Shirkadda DP World laga mamnuucayo dalka iyo in heshiis kasta oo ay gashay uu waxba kama jiraan yahay, isla markaana sharciyad ku dhisneyn.

Xeerkan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeynayaa Shirkadda DP World inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo DP World.

Heshiis kasta oo caalami ah ayaa la sheegay inay geli karto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay sharci ahaan loo soo marisiinayo Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale waxaa uu xeerkan waxba kama jiraan ku tilmaamayaa dhamaan heshiisyadii ay gashay Shirkadda DP World ee gudaha Soomaaliya.

Xeerkan ayaa haddii uu isku raaco Baarlamaanka waxaa uu sii xoojinayaa xiisadda ka taagan Heshiiska Dekeda Berbera oo ay horay Xukuumadda Soomaaliya uga soo horjeesatay, isla markaana sharci darro ku tilmaamtay.

Halkan hoose ka akhriso Xeerka Baarlamaanka oo horudhac ah

Facebooktwittergoogle_plus