Shacabka reer Boosaaso oo Taageeray Mamnuucistii Shirkada DP World

Facebooktwittergoogle_plus

KU DHAGAYSO MP3

Magaaladda Boosaaso waxaa galabta lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World.

Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayidaan oo aysan ka aamusin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World.

Kulankan oo ay ka soo qayb gleen in ka badan 100 qof ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin ka dib go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku mamnuucay shirkadda DP World iyadoo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments