Shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airways oo si gaar ah u ciqaabtay macaamiisheeda reer Puntland, qiimo xad dhaaf ahna ka dhigtay Tickedka Dubia to Bosaaso

Facebooktwittergoogle_plus

Shirkada Jubba boob Puntland

Shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa habeenkii xalay aheyd ku dhawaaqaday in qiimo aad u badan oo dheeraad ah ku kordhisay macaamisheeda reer Puntland oo kaliya, ee isaga goosha magaalooyinka Dubai iyo Bosaaso.

Talaabadan ay shirkadu ku qaaliyeysay Tigidhada diyaarada ee Dubai iyo Bosaaso ayaa ah mid ku gaar ah oo lagu faquuqaayo kaliya shacbiga Puntland oo kaliya.

Sida aan ka warqabno dulimaadka diyaarada Jubba Airways ee isaga goosha magaalooyinka Dubai iyo Bosaaso oo ah midka wakhti ahaan ugu gaaban dulimaadyada shirkadu ku tagto dalka somaaliya oo dhan ayaa ah mid qaata laba sacadood iyo labaatan daqiiqo 2:20 daqiiqo kaas oo qiimihiisuna uu ahaa wixii xalay ka horeeyey 480 US Dollar, iyadoo nasiib daro shirkadu hadda si naxariis daro iyo cunsurinimo ka muuqato kor u qaaday qiimaha Tigidka, iyadoo ka dhigtay cudur daar la’aan 600 US Dollar.

Qiimo kordhintan ayaa ku eeg, oo lala beegsaday kaliya shacbiga aan laheyn xukuumada iyo wax xuquuqdooda ilaaliya ee reer Puntland.

Talaabadan Shirkada Jubba Airways qaaday ayaa ku soo aaday ka dib markii maanta ay si toos ah dulimaadkeedii Jabuuti to Boosaaso ay u bilowday shirkada Air Jabuuti oo ay ogolaansho siisay dawlada Puntland, taas oo u muuqata in shirkada Jubba Airways ay ka xanaaqaday in suuqa iyo dadka ay xoogga ku haysato ee reer Puntland in ay helaan adeeg jaban iyo xiriir kale oo toos oo ay caalamka la yeeshaan

Waxaa wax lala yaabo ah in shirkada Jubba Airway ay si gaar ah u faquuqdo macaamisheeda Puntland,oo lagu tilmaamo kuwa ugu tiro badan dalka oo dhan, iyadoo taa badalkeedana qiimo dhimis u sameysa macaamiisheeda reer Hargeisa iyo Muqdishu.

Tusaale:

Shirkada Jubba Airways ayaa dulimaadka isaga goosha magaalooyinka Dubai iyo Hargeisa oo qaata waqti dheer oo ah saddex sacadood iyo sodon daqiiqo 3:30 daqiiqo ku iibisa 320 US Dollar, taas oo kuu mujinaysa in Bosaaso oo ka wakhti gaaban ay ka qaalisan tahay 280 US Dollar.

Falkan gurac ee dhiig-miiratanimada ah iyo colaada cad ee shirkada Jubba Airways ay u muujisay shacbiga iyo macaamisheeda reer Puntland ayaa ah mid aan la aqbalin karin.

Waxaana waajib ku ah Xukuumada Puntland, Ganacsatada iyo dhamaan shacbiga Puntland in ay si deg deg ah uga dhiidhiyaan dulmigaa,dhac iyo faquuqaa ay Shirkada Jubba Airways ku dhaawacayso nolosha iyo ganacsiga shacbiga Puntland

Facebooktwittergoogle_plus