SHIR SAXAAFADEED AY SOO SAAREEN MAANTA ( Puntland Focus Group )

Facebooktwittergoogle_plus

Tuesday 18, 2018
Ka dib markaan aragnay war-saxaafadeedkii ay sida gooni goonida ah u soo saareen Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Dawladda Puntland, kuwaas oo ka hadlaayey xirirka Shacbaka iyo Dawladda Emirate-ka iyo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed;

1. Puntland Focus Group waxaa ay soo dhoweyneysaa war-saxafadeedka ka soo baxay Wasaraadda Arimaha Dibadda Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland, April 16, 2018.

3. Puntland Focus Group waxaa ay aaminsan tahay in labadaas war-saxafadeed ay keenayaan isu soo dhowaansho iyo in xal laga gaaro arimaha cakiran ee Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Dawladda Emirate-ka oo haatan gaarey heer aad u xun.

4. Puntland Focus Group waxaa ay ku boorinaysaa Dawladda Federalka Somaliyeed in labadda Dawladdood ay arimohoodda ku dhamaystaan si wadda hadal, deris wanaag, iyo sinnaan ah.

5. Puntland Focus Group waxaa ay xasuusineysaa Dawladda Federalka Soomaaliyeed iyo weliba shacabka Soomaaliyeed in xaaladda Soomaaliyeed ee nugul iyo herdanka Istaraatijiyeed iyo dhaqaale ee dawladdaha shisheeye loo maro, loona maareeyo, si degan, foojigan, wadajir ah, taas oo ku salaysan talo la gorfeeyey iyo dano laysu miisaamey.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Warar dheeraad ah la xiriir;
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: dhollowaa2013@gmail.com
Telka Gacanta: (Australia) +61469728645

Facebooktwittergoogle_plus