Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland oo saaka madaafiic is-weydaarsaday iyo Guddiga Difaaca Puntland oo yeeshay kulan deg deg ah

Facebooktwittergoogle_plus

Guddiga Difaaca Puntland mp3

Tukaraq – (RadioQandala) – Aroornimadii hore ee saaka ayaa si weyn looga maqlay deegaanka Tukaraq daryanka Madaafiicda oo ay isku weydaarsanayeen ciidamadda ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Soomaali-land, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay is tuurtuurkaas.

Dhinaca kale, waxaa aad u soo kordhaya in deegaankaas uu ka bilaaban karo dagaal faraha looga gubto oo u dhexeeya Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

Maamulka Puntland ayaa waxaa ka go’an inay dib isaga durkiyaan ciidamadda Soomaaliland ee ku durkay deegaamadii uga harsanaa gobolka Sool ee Puntland gacanta ku haysay, waxaana jira abaabul xoog leh oo Labada Maamul ku diyaarinayaan ciidamadooda sidii ay qolol walba tan kale isaga difaaci laheyd.

Warar hadda laga helayo magaaladda Garoowe ayaa sheegaya in Guddiga Difaaca Puntland ay leeyihiin shir deg deg ah oo albaabadu u xiran yihiin oo ay uga hadlayaan xaaladda deegaanka Tukaraq oo qarka u saaran in dagaal deg deg ahi ka bilowdo.

Guddigan Difaaca Puntland ayaa maanta la filayaa inay shirkaas ka soo saari doonaan go’aamadooda ugu danbeeya ee xaaladda Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Guddiga difaaca Puntland ayaa horay u soo saaray go’aan mamnuucaya in gaadiidka iyo dadweynuhuba ay ku safraan waddada Laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo dadweynaha looga digay inay ka joogaan socdaalka goboladda Waqooyi inta ay xiisada dagaalku ka jirto deegaanka Tukaraq.

Maamulka Somaliland ayaa dhinacooda waxay ku jiraan abaabulkoodii ugu sareeyey, iyadoo ay Saxaafada marinayaan hanjabaado ka dhan ah maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana  masaafo aad u fog uu maamulkaasi ka soo daabulayo ciidamo beeleedyo loo qorsheeyey inay ka dagaalamaan deegaanka Tukaraq.

Tukaraq – (RadioQandala)

Facebooktwittergoogle_plus