Maamulka iyo Shacabka Gobolka Garad Fuu Oo Deeq Raashi ah ku Wareejiyay Gudiga Difaaca dowladda Puntland

Facebooktwittergoogle_plus

KU DHAGAYSO MP3

 

Gobolada Puntland waxaa  si dar dar leh uga socota qaban qaabada Gurmadka iyo Taakulada Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan jiida hore ee Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool .

Shacabka Puntland oo ku kala sugan gudaha iyo dibadaba ayaa Ciidamada la garab Taagan Taakulo isugu jirta  Raashiin, Dhar, lacag, iyo Bustayaal  ay dhaxanta ka Huwadaan  .

Maamulka  iyo shacabka Gobolka  Garada Fuu  oo isku duuban ayaa deeq Raashin ah  oo gaaraysa 270 kiish oo ka kooban Bur iyo Bariis ku wareejiyay Gudiga Difaaca Puntland  .

Gudoomiyaha Gobolka Garad Fuu  Maxamuud Axmed Caynab ayaa  Puntlandi.com Waraysi uusiiyay waxa uu ku sheegay in deeqdan ay ka timid Maamulka iyo Shacabka Gobolka Garda Fuul ayna tahay mid hor udhac ah .

Puntland ayaa sheegtay in aysan wax gor gor tan ah ka gali doonin Difaaca iyo Xoraynta Gobolka Sool ,ee  ka maqan  Gacanta Puntland .

Halkan ka dahagayso .

Facebooktwittergoogle_plus