Khilaafkaan waxaa uu keenay in Wasiirka Maaliyada uu ka joojiyo lacagaha Safarka iyo Gunada yar yar Wasiiru Dowlaha, Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa dhankiisa wada mid ka dhan ah Bayle

Facebooktwittergoogle_plus

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya  Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa ka hor yimid qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyada oo hada ku sugan dalka Biljamka, Wasiir Beyle ayaana Qoraalka uu soo saaray kusimahiisa waxa uu uga dhigay Wasiir kuxigeenka Wasaarada.

Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhankiisa Qoraal soo saaray kuna Ogeysiiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayuu uga hor yimid Warqada uu qoray Wasiir Beyle uu ku simaha uga dhigay kuxigeenkiiisa.

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha ayaa ahaa mid mudo dheer soo jiitamayay, oo keentay in Xogta Wasaarada Maaliyada uu si hoose loogu dusiyo Wasiiru dowlaha isaguna uu hoos uga dusiyo Raysul wasaare Khayre waxaana marar badan xalintan khilaafkan dhax galay kuna baxay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Khilaafkaan waxaa uu keenay in Wasiirka Maaliyada uu ka joojiyo lacagaha Safarka iyo Gunada yar yar Wasiiru Dowlaha, Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa dhankiisa wada mid ka dhan ah Bayle

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada

Facebooktwittergoogle_plus