Warar Cusub oo Ka Soo Kordhay Dagaalkii Beelaha Qayaad iyo Bah-ararsame iyo Puntland oo Ku Dhawaaqday

Facebooktwittergoogle_plus

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno deegaanka Dhummay ee Koonfurta Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladdu ay yara degan tahay inkastoo laga cabsi qabo dagaal markale dhex mara beelaha walaalaha ah ee Bah-ararsame iyo Qayaad.

Dhaawacyada iyo dhimashadii ugu badnayd ee labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii la soo dhaafay la gaarsiiyey magaalooyinka ka agdhaw goobaha dagaalka, mana jirto cid ilaa hadda kala dhex gashay labada beelood

Odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool, islamarkaana la damiyo xiisada colaadeed.  Waxa ay ugu baaqeen in la soo afjaro colaadaan sii baaheysa miiska wadahadalkana lasoo wada fariisiyo beelahaan dagaalku uu dhexmarayo.

Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada, iyada oo masuuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ku boorisay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada.

Facebooktwittergoogle_plus

RadioQandala.com Comments

RadioQandala.com Comments