SNM maxay u taagnayd ee ay u dagaallamaysey ? Aas Aaskeedase ayaa lahaa? Goorma ayeyna ahayd wakhtigii la aas Aasay?

Facebooktwittergoogle_plus

snmMassacreSomaliland1

KU DHAGAYSO MP3

 

Qormadani waa tii ugu horreysey ee nooceeda ah,kana waranta xarakadii SNM, kuna soo baxda shabakadda awdalpress.com, waxana qoray qoraa isku dayey in uu dhex dhexaad ka noqdo hadafkii SNM iyo […]

Qormadani waa tii ugu horreysey ee nooceeda ah,kana waranta xarakadii SNM, kuna soo baxda shabakadda awdalpress.com, waxana qoray qoraa isku dayey in uu dhex dhexaad ka noqdo hadafkii SNM iyo sidii ay hawsha loo waday, laakiin ka mid ahaa dadkii taageeri jiray xarakadaasi. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qoraagu maqaalkiisa waxa uu kaga faalloonayaa dhinacyo badan. Sidan ayaanu u dhigay ee akhris wanaagsan:

Sannad guurada 34-aad ee SNM: Milicsi guud-mar ah

34 sannadood ayaa laga joogaa ku dhawaaqii ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed  ee SNM. 6-dii April 1981 ayaa London laga shaaciyey yagleelka dhaqdhaqaaq ka horjeeda maamulkii kelitaliska ahaa ee Gen. Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya ka calanwallayn jirey.

Marxalado iyo xaalado kala duwan ayaa SNM halgankeedu soo maray min abaabulkii hore ee ballaysinka ahaa, ku dhawaaqii rasmig ahaa, u ban-bixii goobaha naf-hurka iyo bilowgii dagaalka hubaysan, dhammaystirkii hawlaha dib u xoraynta, illaa wareejintii talada iyo dhalashadii Somaliland.

Taariikhdaasi si dhab ah oo garashaysan oo ka baxsan soohdimaha caaddifadda ogaalkayga loo ma qiimayn, si mug leh na wax ba looga ma qorin marka laga reebo in kooban oo hal-karaanle ah.

Waa taariikh aan 34 sannadood oo keliya ku saabsanayn, hase ahaato’e ka soo jeedda oo xidhiidh sokeeye la leh tagto hore oo boqollaal gu’yaal ku abtirsanaysa.

Muqdisho ayaa la tilmaamaa  abaabulkii hore ee SNM in uu ka bilaabmay nuskii dambe ee tobanlihii 1970-aadkii. Madaxdii sare xukuumaddii Soomaaliya rag ka mid ah oo kaashanaya qaar ka mid ah saraakiishii ciidamada qalabka sida iyo amniga iyo waxgarad kale ayaa ku dhaqaaqay abaabul qarsoodi ahaa oo dareenkiisu daarranaa in laga horyimaaddo oo lagu kaco siyaasaddii ka sii daraysey ee xukuumadda.

Madaxdaas iyo kooxaha ay abaabulkaas la wadeen waxa ay ka soo jeedeen Gobolladii Waqooyi, waxa aanay u badnaayeen reer keliya (Isaaq). Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib ayaa madaxda sare ka mid ahaa hormoodkooda. Dhanka saraakiisha waxa foolaad u ahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac labadooda ba AHUN. Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib iyo rag kale oo badan oo saraakiil iyo waxgarad kale ba leh waxa 1982 loo xidhxidhay arrintaas.

Goobta labaad ee abaabulka hore ee SNM ka socday waxa ay ahayd Sucuudiga oo ay ku noolaayeen waxgarad gobolladaas ka soo jeedey oo waa’ hore badankoodu dalka ka haajirey.

Labadaas qolo ee gudaha iyo dibedda abaabulkaas kaga foognaa waxa la tibaaxaa in ay is ogaayeen, hadda na aanay lahayn himilo guud mooyaane hadafyo hoose oo ku salaysan sida wax loo yagleelayo iyo sida himilada iyo higsiyada gaadhitaankooda la isku waafajinayo.

Waxa kale oo jirtey in labada qolo hawluhu u kala fududaayeen. Qolyaha guduhu waxa ay ku jireen af libaax oo way ka halis badnaayeen dhiggoodii kale ee Sucuudiga hawsha ka wadey. Si kasta ba ha ahaato’e qolyihii dibedda ayaa magacii yeeshay oo London kaga dhawaaqay SNM urur ay ula magac baxeen maanta oo kale 6/4/1981.

Qolyaha Sucuudigu waxa ay soo direen rag ay ka mid ahaayeen Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) iyo Xasan Aadan Wadaad-diid saddexda ba AHUN oo noqday horseedkii halganka hubaysan. Itoobiya oo fadhiisin u ahayd mucaaridkii koowaad ee ugu xoogga badnaa SSDF ayay qolyahan SNM yagleelay u guureen, si ay uga bilaabaan halgan hubaysan.

 

Caqabaddii ugu waynayd ee ugu horraysay ee ay Itoobiya tegitaankeeda kala kulmaan kooxda SNM ayaa ahayd culays ku yimi oo ahaa in ay ku biiraan oo xoojiyaan jabhaddaas Soomaaliyeed ee kaga horraysay ee fadhiisimada Itoobiya ku lahayd. SSDF waxa ay lahayd cudud ciidan oo xoog leh oo ka garab dagaallama ciidamadii Mingiste iyo awood dhaqaale oo kaga furrayd  tuunbooyinkii xoorka badnaa ee Qaddaafiga Libya ee dhowaan halligmay.

 

Hoggaankii SNM ee Itoobiya tegey oo awel ba ay u guntanaayeen gocashooyin iyo hibasho ka soo jeeda habkii is raaca Soomaalida labada gobol ee 1960 iyo natiijooyinkii ka soo baxay, ayaa hadimo kale u arkay salfudayd iyo hubsiino la’aan kale oo ay maanta na SSDF ugu tagaan! Hoggaankii SSDF oo kaashanaya Itoobiya iyo Libya iyo qolyihii kale ee gacansaarka la lahaa ee Koonfurtii Yaman iyo Cuba, waxa uu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay in kooxdan yar ee cusub aan faran kale iyo saldhigyo loo oggolaan, kuna soo biiraan oo hoos yimaaddaan hoggaankiisa.

 

Hal-adayg uu muujiyey hoggaankii kooxda SNM iyo saraakiil badan oo hoggaankaas taageersan oo gudaha ka soo tallowday iyo Jebintii Xabsiga Mandheera oo la haystayaal siyaasadeed ku jireen oo laga soo daayey ayaa kor u qaadday sumcaddii iyo aqoonsi siyaasadeed oo kooxda SNM Itoobiya ka helaan, taas oo jebisay xummaddii iyo hungurigii hoggaanka SSDF, horseedday na sii kala fogaansho iyo shaki labada hoggaan ka dhex hanaqaada oo waayaha halganka iyo labada jabhadood la sii guurguura.

 

SNM ma waxa ay aqoonsanayd in Gobolladii Waqooyi go’aan mabda’ ahaan?

Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM waxa uu ahaa urur halgameed shacbi oo dib u xorayneed. Waxa ururkaasi marxaladihii uu soo maray kulmiyey dad kala duwan oo afkaaro kala duwanna kala walwaalayey oo xambaarsanaa.

Arrinta goosiga Gobollada Waqooyi fikir ahaan mar wal ba oollimaad waxa uu ku lahaa ururka dhexdiisa. Hase yeeshee wixii 1988 iyo guda galkii iyo burburkii weynaa ka horreeyey waxa afkaartaas aaminsanaa inta ugu yar dadkii SNM ka midka ahaa, mararka qaarna waa bay shiiqday oo cidi ba kama wada hadli jirin. Taasi in ay jirto la yaab ma lahayn oo 1961 ayaa bu soo if baxay dareen goosasho markii koox saraakiil ahi u hollatay in ay jaraan gobolladaas oo midowgii dib uga noqdaan. Xasan-kayd Cabdillaahi Walanwal AHUN ayaa ka mid ahaa hormoodkii inqilaabkaas goosasho ee dhicisoobay.

 

Dadka qubanaha ah ee SNM isugu yimi badankoodu waxa ay afkaar ahaan rumaysnaayeen in aan waddanka la kala jarin, hase yeeshee waxa loo badnaa oo la aaminsanaa in wax laga beddelo oo dib loogu noqdo qaabkii midnimada labada gobol ee 1960. Hab federaal ah in midowga labada gobol lagu saleeyo fikir ah ayaa maskaxda inta badan ka guuxaysey, walow ay jireen kooxo xitaa aan federaalka ba la dhacsanayn oo lahaa taliska ha la tuuro, caddaaladda na ha la sugo uun.

Intaas iyo afkaaraha arrintaas ee dadka dhex yaalley marka laga yimaaddo ee loo kaco dhanka mabaadidii guud iyo barnaamijkii siyaasadda ee SNM waxa kuu soo baxaya sawir kale oo afkaarahaas macnaynaya.

Qodobka 6-aad ee distoorkii SNM u dhignaa waxa uu qorayey:

“Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”.

Waxa kale oo arrinta hoosta ka sii xarriiqaya in SNM saldhigyo ku lahayd jiidaha xuduudda ku teedsan ee ku foorora gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool. Laga bilaabo 1984 waxa guddiyada fulinta iyo golaha dhexe ee SNM ka mid noqday xubno tiro badan oo Reer Koonfureed ah. Waxa hormood u ahaa xubnahaas Cali Maxamed Cosoble “Wardhiigley” oo AHUN ahaa siyaasi caan ahaa oo reer Muqdisho ah, noqdayna guddoomiye ku xigeenkii SNM xilligii guddoomiyennimada uu qabtay Axmed Maxamed Siilaanyo. Cali Hagarrey, Col Gorgor iyo Sheekh Yarow ayaa ka mid ahaa ragga kale ee miisaanka lahaa.

Cabdixakiim Ismaaciil X. Axmed oo ahaa xoghayntii SNM ee 1990-aadkii, haddana Oslo ku nool, ayaa ila wadaagay xogo uu kaydiyey oo arrintan la halmaasha. Waxa ka mid ah xogtaas heshiish laba docood ahaa oo Muqdisho ku dhexmaray 8-dii August 1991 ururradii USC iyo SNM.

19-kii Julay – 8-dii August 1991 ayaa wada hadallo labada dhinac u socdey waxa go’aannadii la gaadhey ee qalinka lagu duugay ka mid ahaa:

 

– In labada urur u adeegaan sidii loo wada yeelan lahaa midaynta siyaasadda dibedda, barnaamijyo mashaariic horumarineed, manhajyada waxbarasheed, lacagta iyo gaadiidka iyo is gaadhsiinta

– in ay isku furnaadaan isku socodka ganacsiga labada shacbi, lana kobciyo xidhiidhka hiddaha iyo dhaqanka, si loo xoojiyo gacaltooyada iyo walaaltinnimada.

Wada hadalladaasi xallinta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dhaafeen in ay u taallo dadkeeda. Aayo ka talin wixii ku saabsanna dhib baa loogu riixay xilliyo dambe. Dhinaca weftiga SNM waxa go’aannada wada hadalladaas u saxeexay Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, markaas na ahaa guddoomiyaha weftigaas. Dhinaca USC waxa heshiiskaas u saxeexay Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo AHUN ahaa guddoomiyihii USC.

Garannay haddaba oo SNM mabaadi ahaan ma aaminsanayn in Gobollada Waqooyi ka go’aan Soomaaliya, walow ay jireen afkaaro dad aan badnayni qabeen oo go’itaan u guux ahaa.

Haddana gobolladii waxa ay ku go’een gacmihii SNM! Halkee ayay tolow wax iska qardhaafeen?!

Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed waxa uu u taagnaa xoraynta Soomaaliya idil ahaan iyo ilaalinta midnimadeeda. Magaaladu Burco ayaa haddana SNM kaga dhawaaqday 18-kii May 1991 gooni isu taagga Gobolladii Waqooyi iyo yagleelka Jamhuuriyadda Somaliland.

Arrintan waxa ka dhex hillaacaya isirro is burinaya, isna diidaya oo iska hor imanaya. Waa u taagnaanta ilaalin midnimo iyo fulinta kala qaybineed!  Arrin sahlan taasi runtii ma aha! Hase yeeshee wax aan sabab lahayni iska ma dhacaane, bal aynu sababo dhawr ah oo is biirsaday, kala se horreeyey, is la gorfayno.

Sababta 1-aad

Maskaxda iyo dareenka in badan oo ka mid ah Reer Waqooyigii lixdii garaadka lahaa iyo intii markaas soo kacaamaysey, waxa saamayn xun ku yeeshay natiijadii iyo midhihii ka dhashay is raacii labada gobol 1960. Gocosho quluubta ku daxalaysatay iyo tabashooyin in la damqo mooyaane aan weligood in la daweeyo la isku deyin, ayaa halkaas ka abuurmay oo nolosha oo dhan ku milmay oo raac raacay xilliyo xidhiidhsanaa.

Inqilaabkii dhicisoobay ee kooxdii saraakiisha ee 1961 ayaa dhacdo dareenkaas cabbiraysa ahaa. Diidmadii qayaxnayd ee aftidii distoorka ee isla 1961 ee dadweyanaha Gobollada Waqooyi intooda badani qaaddaceen ayaa dareen muujin kale ahayd. Gabayadii iyo geeraarradii Qaasim, Timocadde iyo Ismaaciil Xalleef hal-abuurka ay ka mid yihiin ay 1960-aadkii tiriyeen ayaa dareen muujin kale oo shacbi ahaa.

Taas oo jirta oo horumar la’aanta iyo dib u dhacyada guudna  Soomaaliya laga wada sinnaa, ayaa haddana waxa Reer Waqooyiga intiisa badani tirsadeen cadaadis siyaasadeed oo gaar ah oo mararka qaarna qorshaysnaa ba sida dadka qaar qabaan.

Saami iyo awood qaybsiga guud ee xilalka waa weyn ama muhiimka ah ee qaranka ayaa isir kale ahaa oo mar walba isu dheelli-tirku ka maqnaa sida in badani ku qanacsan yihiin. Dhacdooyinkaas la soo jiitamayey nolosha kufaa-kaceeda waxa ka dhashay SNM.

Markii ay SNM abuurantay na waxa la jaanqaaday cadaadis siyaasadeed oo hor leh iyo gumaadyo dadweyne oo aan loo aabboyeelin, in kasta oo maamulkii kelitaliska ahaa cid kasta oo ka hor timaadda cagta marinayey sidii ka dhacday gobollada Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug sannadihii 1978 – 1982 markii Inqilaabkii Cirro hoggaaminayey dhicisoobay, SSDF na la yagleelay.

Sababta 2-aad

Burburkii weynaa ee 1988 iyo gumaadyadii taxnaa ee qorshaysnaa ee dadka Isaaqa lagu bartilmaansanayey iyo “Xabaalo Wadareedyada” ka hadhay nin kastaa ba ha iska hadlee waa sabab kale oo dareenka dad badan saamayn taban ku yeelatay.  March 1988 waxa uu Maxamed Siyaad heshiis kula galay Jabuuti dhiggiisii Itoobiya ee Mingiste oo SNM saldhigyo ka siiyey dalkiisa. May 1988 SNM dabadeed iyada oo maqiiqan ayay madaxa isugu tuurtay obocda gobollada waqooyi. Waxa dhacay wixii dhacay!

Diyaaradihii xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka haaday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo duqeeyey isla magaalada Hargeysa oo xukuumaddii Barre gacanteeda ku jirta! Xamar na “Xeebtii Geerida” iyo falal kale ayaa ka socday!

Sababta 3-aad

Waxaas oo u dhacay hore iyo gadaal ba, ayaa la tuuray taliskii Jaalle Maxamed Siyaad bilowgii 1991. Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed waxa uu gacanta ku dhigay gobollada waqooyi. Koonfurna waxa ka sii socday dagaallo, in kasta oo USC gacanta ku qabatay meelo badan oo Muqdisho ka mid ahayd.

Intii Siyaad Barre ba joogey, markii la garwaaqsaday in aan wakhti u sii laabnayn oo taliskiisii dumayo, jabhadihiina waddanka qabsan doonaan, ayaa waxa Muqdisho laga abuuray Manifesto Group looga gol lahaa in ay diyaariyaan ciddii xukunka Maxamed Siyaad ka dhaxli lahayd. Ragga kooxdaas ka dhex muuqda waxa ka mid ahaa: General Maxamed Abshir Muuse, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Aadan Cabdulle Cismaan, Xaaji Muuse Boqor iyo Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen.

Ayaan-darro, kooxdaasi waxa ay sameeyeen khalad weyn oo taariikhi ah, waxa aanay ku khammaareen taladii iyo masiirkii Soomaaliya dal iyo dad ahaan ba. Waxa ay sameeyeen Jan. 1991 dawlad aan laga la tashan, wax na laga waydiin Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee xoreeyey, gacanta na ay ugu jireen gobollada waqooyi!  Gen. Caydiid oo Manifesto kaga hor yimi mawqifkoodu na dibedda ayaa loo tuuray oo waxa la dhisay Cali Mahdi Maxamed iyo xukuumaddiisii. Muqdisho na waxa ay u qaybsan tahay laba xaafadood oo aan dabka kala qaadan.

Hargeysa iyo Burco waxa BBC-da laga dhegaystay in Soomaaliya oo ay iyagu na jiraan loo dhisay dawlad cusub! La isku yaac oo la la yaab, waxna la iska waydii. La ye “jinnaa wadaad ah”! Ladh iyo dacar is walwaalanaya ayaa maanka iyo maskaxda dad badan ku soo kacay oo arrintaasi ku abuurtay. Fursad weyn waxa helay dadka qaar, gaar ahaan siyaasiintii gooni isu taagga maskaxda ku haysay ee u haqanl taagi jirtey.

Tan Muqdisho ka dhacday maalintaas ee raadkeedu qoyan yahay ee Manifesto, tii is raaca ee 1960 iyo natiijooyinkii ka dhashay oo burburka iyo maydka yaallaa dadka u muuqdaan iyo tii Cabdullaahi Yuusufkii SSDF ee Itoobiya iyo Libya u kaashaday in uu kooxdii SNM sidatey ee cusbayd afka u dhigto oo sandulle hoggaankiisa u hoos keeno 1982, ayaa sida “sandwich-ta” rag rag ahi inta ay isu saareen, waxa ay ka iibiyeen shacbigii gobollada waqooyi ee umalka iyo cadhada weyni haysay intii ugu badnayd, waa na laga iibsaday.

Waxa la maquuniyey dhigaalladii distoorka SNM iyo intii aqoonsanayd ba, gaar ahaan qodobka 6-aad: “Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed wuxu aaminsan yahay in la xoreeyo Soomaaliya oo idil, lana ilaaliyo midnimadeeda”.

Intii hunguri kaga jirey in wax la hojiyo oo dhinacyo kale wax laga eego na qori caaraddii ayaa dhafoorka iyo dhegta lagaga qabtay oo lagu yidhi “gooya gooya, ku dhawaaqa oo hadda gobollada waqooyi  gooyo, Somaliland na ku dhawaaqa”!

18-kii May 1991, ayaa si ninkii goobjoogga ka ahaa uu inoo sawiri karo uun, waxa Burco lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Gooni isu taaggaas Somaliland oo hadda dhowaan 24 jirsanaya ma lagu tanaaday oo ma lagaga nastay oo raystay wixii lur iyo dhibaato ahaa ee jirey?

Hoggaankii Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed oo uu markaas guddoomiye u ahaa Alle ha u naxariisto ‘e Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxa uu sameeyey xukuumad Jamhuuriyadda cusub taladeeda mayalka u qabata. Cabdiraxmaan laftiisa ayaa madaxweyne loo doortay, Xasan Ciise Jaamacna ku xigeenkiisa.

SNM waxa dhexdeeda ka dhaqan galay wax Soomaalida inteeda badan ka maqnaa: waa talo wadaagnimo iyo u golaynta wixii khilaafaad yimaadda iyo gorfaynta xallintooda. SNM oo jabhad ah ayaa shan goor hoggaankeedu doorasho isu beddeley muddo 10 sannadood ka yar gudahood ah.

Sidaas daraaddeed, ayaa sidii distoorka SNM dhigay, waxa xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali ay xukunkii iyo taladii ku wareejisay shacabka 1993. Shirkii weynaa ee Boorame ayaa dhacay oo lagu soo dhisay xukuumaddii lagu doortay ee Alle ha u naxariisto’e Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (1993), markii labaadna (1997) Daahir Riyaale Kaahin oo markii dambena noqday madaxweyne.

Cigaal waxa uu yagleelay oo dhidibbada u taagey hay’ado iyo haykal qarannimo oo curdin ah. Halkaas ayay Somaliland ka sii guxuushisay nin wax ku daray iyo nin wax dhimay ba iyada oo muddo shan toddobaad iyo dharaaro ah ka dib 24 jirsanaysa.

Waa laga macaashay gooni isu taaggaas oo lagu ma khasaarin. Hase yeeshee lagu ma guulaysan in seeska loo dhigo oo la dhiso qarannimo sida muraayadda la isaga wada dhex arki karo oo ku dhaqanta nidaam ku salaysan caddaalad iyo garsoor sharci hago.

 

Lurkii iyo dhibaatooyinkii shalayto wadajirkii Soomaaliya loo sadqeeyey in badan oo ka mid ah ayaa weli Somaliland ka jira oo xoog ku leh. Tusaale fudud: waxa shalayto in badan oo Reer Waqooyi ahi Reer Koonfureedka ku haaraamayeen in ay ka sedbursadeen saami iyo awood qaybsigii xilalka iyo jagooyinka muhiimka ah ee qaranka iyo taladiisa.

Dulmigu waa dulmi, caddaalad darro na waa caddaalad darro oo haddii nin kaa fogi kugu falo ama nin kuu dhowi kugu la kaco waa isku mid uun oo waxba uma dhexeeyaan.

Ka warran maanta Somaliland haddii taas oo kale ka jirto marka reer qudhihi “Isaaq” isku koobay oo isa siiyey madaxweynihii, labadii guddoomiye ee golayaasha wakiillada iyo guurtida, maxkamadda sare, taliyaha ciidamada, guddoomiyaha Bangiga, wasiirradii wasaaradaha naqwada ah sida arrimaha gudaha, dibedda iyo maaliyadda iwm.

Intaas marka laga tago ee la qiimeeyo 24 sannadood, lagu na dhereriyo halka aynu maanta taagan nahay waxa kuu soo baxaya sawir foolxun.

Maamul xumida sii gaammuraysa ee xukuumadda hadda talada haysa ee musuqeeda hantida ummadda iyo daalaadhacyeeda carradaas iyo camaarkaas ka batay, waxa baal yaalla oo soo raacaya  oo naxdin kale leh mucaarad xumida ina haleeshay ee indhobeelka ah. Qabyaaladda jaraha iyo xadhkaha goosatay ee carruurta, dhallinyada iyo haweenku suuqyada kaga hadaaqayaan ee odayga iyo siyaasigu sida xajiinta iyo naxliga leh horseedka ugu yihiin ee carrabka ku ballaadhinayaan, ayaa u muuqata aafo shaki gelinaysa jiritaanka qaran iyo ummadnimo.

Qabyaaladda iyo doco docaynteedu waxa ay Somaliland gaadheen heerkii ugu sarreeyey abid. Haddii naxliga iyo kala shakiga shacbiga la xoojiyo, dib u dhaca iyo maamul xumiduna sii socdaan, waxa laga aamin bixi karaa qarannimada oo dabkeedu qaboobayaa, waxa na lumaysa kalsoonidii lagu qabi lahaa ummadnimada oo reernimo ayaa beddelaysa. Haddii reero loo kala dhaqaaqo na waa “karis xun iyadaa wax ku la’!”

Dorraato (1960) markii la is raacayey ee Soomaali loo tegayey loo ma garraadayn oo caaddifad ayaa wax kale oo kastaba ka qaalib ahayd.

Shalayto na (1991) markii gooni isu taagga la go’aaminayey loo ma guulin, loo ma na garraadayn ee cadho gadhoodhay ayaa wax kale oo kastaba ka qaalib ahayd.

Maanta na cabsida jirtaa waa in mar kale si kale loo la fool hallaabi karo talada ummadeed marka caddaalad darrada iyo qaraabokiilka, musuqa iyo boobka hantida qaran, sharci darrada iyo qabyaaladdu is biirsadaan oo wax kale oo kastaba ka qaalib noqdaan.

Cadho iyo caaddifad wax u dhexeeya baa jira oo waa adeegsiga caqliga toosan iyo in si maangal wax kasta oo yimaadda loo miisaamo qiimayn ahaan. Si aan loo tacab khasaarin waa in caddaaladda la dhawraa. Sharciga iyo xeerka waraaqaha laga dul kiciyaa oo laga ciidanshaa, qarannimada ilmaynaysa na xaq lagu aamusiiyaa oo qabyaaladda la daadegaysa laga dhiciyaa!

Gooni isu taaggii Somaliland lagu ma khasaarin, lagu ma se guulaysan in boogtii la dhayo oo la daweeyo. Qabyo waa halkeedii.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

Facebooktwittergoogle_plus