Go’aamo ka soo baxay shir amniga looga hadlayay oo ka dhacay Boosaaso.

Facebooktwittergoogle_plus

Taliyaha-Booliiska-Puntland-Gen_-Maxamed-Siciid-JaqanafTaliyaha-Ciidanka-Booliska-Puntland-Jaqanaf.mp3

Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta shir looga hadlayay amniga ku yeeshay magaalada Bosaso ee xarununta Gobolka Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay Saxaafadda,ka dib markii uu soo afmeermay shirka,ayaa sheegay in shirka ay kaso baxeen go’aamo horu-dhac u ah shir amniga looga hadli doono oo todobaadkan ka dhici doona Bosaso.

‘’Go’aanka laga soo saaray waa adkaynta amniga magaalada,waxaa la isla qaatay inay ka wada shaqeeyaan Ciidanka amniga iyo Hay’adaha Sirdoonka’’Sidaa waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu intaas ku daray ‘’…Waxaan u balansanahay bari iyo wixii ka dambeeya inaan go’aan kaso saarno wada shaqaynta Guddiyada,Heer amni iyo xaafadaha magaalada sidii ay u wada shaqayn lahaayen’’.

Maxamed Siciid Jaqanad ayaa sheegay inay soo saarayaan Istaraatiijiyad lagu wada shaqayn karo,taasi oo lagu sugayo amniga.

Shirka ayaa imanaya xilli Ciidamo tababar loogu soo xiray Qardho ay soo gaareen magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana Ciidamadu ay qayb ka noqonayan Hay’adaha amaanka ee sugaya amniga Bosaso.

Facebooktwittergoogle_plus