HOTEL KU YAAL MAALI OO MALEESHIYO DAD KU AFDUUBTEEN MAANTA

Facebooktwittergoogle_plus

HOTEL-MAALI
MAALI MP3

Dablay ayaa weerartay Huteel caalami ah oo ku yaalla caasimadda Bamako ee dalka Mali, waxaana lagu soo warramayaa in ay afduubteen 140-qof oo hoteelka degganaa iyo 30-qof oo ka shaqeynayay. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.

Image copyright AP
Image caption mid kamid ah dadka la soo furtay

16:41 SGA: Dadka huteelka lagu haysto waxaa kamid ah 12 ka tirsan shaqaalaha hutelka

16:37 SGA: ciidamo gaar ah oo Maraykanka ka socdo ayaa gacan siinaya kuwa Mali ee la dagaalamaya dablayda gashay huteelka

Image copyright Reuters
Image caption Ciidamada Faransiiska ayaa ka hor istaagay kooxaha islaamiyiinta oo doonayay in ay dalka al wareegaaan laba sano ka hor.

16: 32 SGA: 80 qof oo ku jirtay huteelka ayaa soo baxsatay, balse kuwa haysto dhalashada Hindiya, France iyo Shiinaha ayaa wali la haystaa.

16:30 SGA: Ciidamada Mali ay xoog ku galay huteelka oo 100 qof ka badan lagu haysto.

Image caption Ciidama gaar oo ku sugan afaafka hore ee huteelka Radisson Blu,

16:25: Huteelka Radisson Blu, ayaa shaaciyay tilifoon qaraabada dadka ku jiray huteelka ay soo wici karaan.

16:22 SGA: Telefishinka Shiinaha ayaa ku waramay in afar qof oo u dhashay dalkaasi ay ka soo baxsadeen huteelka.

16:07 SGA: Illaa iyo hadda waxaan ognahay

  • Weeararka waxa uu billawday subaxnimadii, iaydoor ag hubaysan ay xoog ku galeen huteelka.
  • Tirada dablayda ma cadda, wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay ahaayeen 13
  • 140 qof oo huteelka daganaa ay afduub ku haystaan
  • 30 qof ayaa laga soo badbaadiyay oo ay ku jiraan dad haysto dhalashada dalalka Farnsiiska, Turkiga, Shiinaha iyo Hidniya.
Image copyright AP

03:53 SGA: Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay in cutub ka tirsan ciidamada gaarka ee la dagaalanka argagixisada ay ka tageen Paris oo ay ku sii wajahanyihiin caasimada Mali ee Bamako halkaasoo dablay ay galeen huteel caalami ah oo magaaladaasi ku yaalla.

Image copyright AFP
Image caption Qaar kamid ah dadka ka baxsaday huteelka
Image copyright AFP
Image caption Saraakiisha ammaanka Mali oo gaaray Huateelka .

 

 

 

KA SOO XIGTAY BBC : http://www.bbc.com/somali/war/2015/11/151120_mali_live_page

Facebooktwittergoogle_plus